Man city oo qiimo qaali ah ku doonaysa daafaca Juventus ee Leonardo Bonucci

(Manchester) 08 Luulyo 2016 Kooxda Man city ee dalka ingiriiska ayaa isku diyaarinaysa inay dalab xoog leh ka gudbiso daafaca dhexe ee xulka qaranka talyaaniga iyo Juventus ee Leonardo Bonucci.

Sky Sports ayaa ogaatay in Man City ay diyaar latahay aduun dhan 43 milyan oo Ginni si ay ugu qanciso Juventus inay ka iibiso 29 jirka daafaca uga ciyaara.

Juventus ayaa horay u soo diiday aduun dhan 38 milyan oo Ginni oo Man city ay ku dalbatay Bonucci balse haatan waxay diyaar layihiin inay gaarsiiyaan ilaa 43 milyan oo Ginni.

Wararka ay helayso Sky Sports ayaa intaa ku daraya in tababare Pep Guardiola uu maalmaha soo socda la kulmi doono wakiilka Leonardo Bonucci si loodhamaystiro heshiiska.

Dhanka kale Tutto Mercato ayaa sheegaysa in Man City ay diyaar u tahay inay ka saxiixdo Bonucci heshiis 5 sano ah oo sanadkii uu ku qaadan doono mushaar dhan 8 milyan oo Euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close