“Ma ahayn natiijo cadaalad ah” – Manuel Neuer oo aan ku qancin guul daradii ka soo gaartay xulka France

(Paris) 08 Luulyo 2016 Goolhayaha xulka qaranka Germany ee Manuel Neuer ayaa cadaalad daro ku tilmaamay guul daradii 2-0 ee xalay ka soo gaartay xulka France.

Germany oo wareegii 8-dhamaadka ku soo reebay Talyaaniga ayaa xalay 2-0 loogu awood sheegtay kadib markii wiilasha tababare Deschamps ay afka ciida u dareen.

Manuel Neuer ayaa sheegay in guul daro ku soo gaarta ay ugu xuntahay mida Semi Final-ka maadama ay indhaha ku haayeen inay gaaraan Final-ka Euro 2016.

“Wuxuu ahaa kulan Semi Final ah, ma jirto waqti ka xun inaad guul daraysato kulamadaan oo kale” ayuu yiri goolhayaha reer German ee Manuel Neuer.

“Ma doonayo inaan iraahdo waxaan ahayn xulkii fiicnaa, laakiin guushii ay naga gaareen ma ahayn mid cadaalad ah” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close