Guardiola: Waxa ay iiga dhigan tahay ka shaqeynta meel uu joogo Mourinho….?

1467981934232_lc_galleryImage_Manchester_City_manager_P

(Manchester) 08 Luulyo 2016. Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola waxa uu qiray in ka shaqeynta isla horyaal oo joogo Jose Mourinho ay ka dhigeyso in uu kaartiiste ahaan sare kulamadiisa u qaado.

Guardiola wax badan ayuu uga hadlay shirkiisii jaraa’id balse qodobka ugu weynaa ee ay dadka rabeen ayaa ahaa xifaaltankii waqtiga dheeraa ee  kala dhexeyey Jose waqtigii ay kala wateen Barca iyo Real oo ay hada u soo badaleen Manchester.

“Mourinho waxa uu rabaa in uu badiyo,” ayuu Pep ku bilaabay. “Waan is garaneynaa waliba si fiican oo ka soo bilaabaneusa Barcelona. Waa wax wanaagsan in halkan Premier League-ga ay ku sugan yihiin tababareyaal sar sare –  tababareyaasha heer kale ayey i gaarsiinyaan.

“La tartankooda heer kale ayey I geysaa, waxa ay igu riixaan ku guuleysashada waxyaabo sida Champions League. Markaas waxaad ogaaneysaa in aad weyn tahay oo aad maamuli kartid Barca, Real Madrid, Bayern Munich sida Manchester City, laakiin halkan  hada ayaan ka bilaabay.

Walow dad badi qabaa in xilli ciyaareedka 2016-17 uu noqon doono mid laba faras ah iyaga oo xiganaya cadaawadii Classico, hadana Pep waxa uu arinkaas meehsa ka saaray durbadiiba.

“Waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh.”
“Conte waa kaartiiste cajiib ah, waxaan qabaa in uu saxiix wanaagsan u yahay Chelsea. Waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh la tartanka Claudio Ranieri, Ronald Koeman oo ku sugan Everton sidoo kale.

“Wey adag tahay in la sheego waxa soo bixi kara.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close