TALO YAACDAY: Geoffrey Kondogbia oo biyo kulul ka jira kaddib markii uu ‘like’ saaray Twitter-ka AC Milan

(Milano) 07 Luulyo 2016 – Tiiyoo ay jirto in sanadkani yahay midkii uu isku muujin lahaa Geoffrey Kondogbia oo fasalkii 1-aad ka hoos maray halkii laga filayey, misna wiilkan Faransiiska ihi meel wanaagsan kama bilaabin sanadkan laftiisa.

Laacibka khadka dhexe oo ay  xagaagii Inter 40 milyan oo euro uga dulqaadday AC Milan balse ku faloobay ayaa ”like” saaray bogga Twitter-ka AC Milan, taasoo aad uga caraysiisey taageerayaasha Inter Milan: “Zhang Jindong, ninka wad oo u dir North Korea” ayuu soo qoray taageere caraysan oo reer Inter ah.

  Saacado kaddib markii ay arrintani dhacday ayuu isla Kondogbia, isagoo adeegsanaya Twitter-kiisa wuxuu sheegay in lagu been abuurtay isagoo soo qoray sidatan: “Si aan is fahmi waa uga fogaado, waxaan jeclaan lahaa inaan tilmaamo in sheekada la isla dhexmarayo ay tahay mid been abuur ah“.

Yeelkeede, weli sidii buu riyaaqii ama ‘like-tii’ u saaran tahay bogga Twitter-ka Milan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close