Tababarayaasha ka hoos shaqeynaya Jose Mourinho oo la xaqiijiyay….(Yaa tababare ku xigeen u noqonaya Man United mar haddii uu baxay Giggs?)+SAWIRRO

jose

(Manchester) 07 Luulyo 2016. Waxaa dhawaan la xaqiijiyay shaqaalaha ka hoos shaqeynaya tababaraha cusub ee Man  United Jose Mouirnho oo wada badalay shaqaalihii hore sida Ryan Giggs iyo wixii la mid ah.

Midka uu cabsan yahay sida wayna uu u aaminsan yahay Jose ee Rui Faria ayaa laga dhigay tababare ku xigeenka Man United.

Jose iyo Faria ayaa markoodii ugu horreysay ku kulmay Barcelona ka hor inta uusan ula soo shaqeyn sida macallinka jir-dhiska markii uu Jose joogay Uniao de Leiria ee dalka Portugal wuxuuna u soo raacay Chelsea labo jeer, Inter Milan misane Real Madrid.

Silvino Louro, oo isagu in kabadan toban sano la shaqeynayay Jose ayaa sidoo kale loo magacaabay mid ka mid ah afarta tababare ee macallinka reer Portugal kula soo biireysa Old Trafford.

Ricardo Formosinho iyo Carlos Lalin oo sidoo kale khibrad hore ka helay la shaqeynta Jose iyo waliba Emilio Alvarez ayaa loo xaqiijiyay xubno ka tirsan shaqaalaha tababarka sidoo kale Giovanni Cerra ayaa isna loo magacaabay dhanka falanqeynta.

SAWIRRO:

Silvino Louro has also made the switch to United from Stamford Bridge
Silvino Louro
Rui Faria has been reunited once more with Mourinho
Rui Faria

Ricardo Formosinho has been confirmed as members of the United coaching staffCarlos Lalin is another trusted adviser for Mourinho having worked with him at ChelseaEmilio Alvarez completes the list of names announced as part of the managerial team

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close