Ronaldo oo ku sii dhawaanaya inuu ka saramaro Messi kadib markii xulkiisa uu geeyay Final-ka Euro 2016

(Paris) 07 Luulyo 2016 Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sii dhawaanaya inuu ka saramaro laacibka ay aadka u xafiiltamaan ee Messi kadib markii xalay uu xulkiisa geeyay Final-ka Euro 2016.

Ronaldo ayaa xalay gool u dhaliyay xulkiisa Portugal isaga oo baasay goolka labaad kaas oo ka caawiyay xulkiisu inuu soo gaaro Final-ka euro 2016 halka isla maalintaas uu Meesi la kulmay xukun xabsi ah.

Haddii Ronaldo uu u qaado xulkiisa Portugal axada koobka qaramada qaarada yurub wuxuu kasara mari doonaa Messi kaas oo wax koob ah aan kula guulaysan xulka koowaad ee Argentina.

3-sano oo xiriir ah ayuu xulkiisa Argentina keenay Final-ka laakiin guul daradii ka soo gaartay xulka Chile ee Final-kii Copa America 2016 ayaa ku kaliftay inuu ka fariisto xulkiisa isaga oo aan wax koob ah u qaadin.

Ronaldo ayaa sheegay in riyadiisu ay ku dhawdahay inay rumowdo taas oo ah inuu xulkiisa u qaado koob uga qaalisan dhamaan koobabkii uu kula soo guulaystay kooxihiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close