RASMI: Weerar yahankii Barcelona ee Sandro Ramirez oo ku biiray Malaga (SAWIRRO)

(Malaga) 07 Luulyo 2016 Kooxda Malaga ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay weerar yahankii Barcelona ee Sandro Ramirez kaas oo qalinka ugu duugay heshiis 3 sano ah.

Barcelona ayaa iska fasaxday 20 jirka reer Spain ee Sandro Ramirez  wuxuuna heshiis la gaaray kooxda Malaga oo uu u ciyaari doono 3-da sano ee soo socota.

Laacib kaan ayaa ku soo biiray Barcelona xiliciyaraeedkii 2013/14, wuxuuna ka soo muuqday kulankii ugu horeeyay ee Barcelona bishii August ee 2014 kulan ay laciyaarayeen kooxda Villarreal.

Sandro Ramirez ayaa kula guulaystay Barcelona 2 koob oo horyaalka ah, 2-koob oo ah koobka boqorka Spain, Champions League, koobka kooxaha aduunka iyo Super Cup-ka yurub oo min hal koob uu kula guulaystay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close