RASMI: Goolhayihii hore ee Barcelona iyo Man United Victor Valdes oo ku biiray Middlesbrough

(Middlesbrough) 07 Luulyo 2016 Kooxda Middlesbrough ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la soo wareegtay goolhayihii hore ee Barcelona iyo Man united Victor Valdes.

34 jirkaan reer Spain ayaa qalinka ugu duugay Middlesbrough heshiis 2 sano ah wuxuuna noqonayaa saxiixii 5-aad ee kooxdu ay samayso suuqa kala iibsiga ee xaggaagan maadama ay ka ciyaari doonaan Premier League xiliciyaareedka cusub.

Valdes ayaa ku guul daraystay inuu waqti fiican ku qaato horyaalka ingiriiska kadib 18 bilood oo uu la joogay Man United.

Tababarihii hore ee United Louis Van Gaal ayaan la dhicin qaab ciyaareedka Valdes taas oo ka hor istaagtay inuu ciyaarsiiyo goolhayihii hore ee Barcelona.

Valdes ayaa kamid ah halyeeyada kooxda Barcelona ee u ciyaaray inkabadan 500 oo kulan, tababaraha Middlesbrough ayaana farxad aad u balaaran ka muujiyay inuu la soo wareego laacib leh taariikh wayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close