Pepe oo shaki lagalinayo inuu taam u noqon karo Final-ka Euro 2016

(Paris) 07 Luulyo 2016 Daafaca xulka qaranka Portugal ee Pepe ayaa shaki lagalinayaa inuu taam buuxa u noqon karo kulanka Final-ka ee euro 2016.

Xulka qaranka Portugal ayaa soo gaaray Final-ka koobka qaramada qaarada yurub kadib markii xalay ay 2-0 ku khaarijiyeen xulka Wales, Pepe ayaana dhaawac ku seegay kulankaas.

Wargayska O Jogo ee dalka Portugal ayaa sheegay in Pepe uu seegay tababarkii xulka qaranka Portugal ee saaka, kaligiis ayaana siiwatay tababar gooni ah taas oo sii badisay shakiga laga qabo inuu taam u noqon karo kulanka Final-ka.

Dhibaatada dhaawac ee Pepe ayaa soo bilaabatay kadib kulankii Poland, laacibka ayaan tababar buuxda la qaadan kooxda inteeda kale tan iyo kulankaas, waxaana loobadinayaa inuusan soo caafimaadin ka hor axada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close