Lionel Messi oo racfaan ka qaadanaya xukunkii lagu riday ee 21-ka bilood ee xabsiga ah

lioo

(Catalonia) 07 Luulyo 2016. Lionel Messi iyo aabihii Jorge ayaa qarka loo suray 21-bilood oo xabsi ah kaddib eedeymaha canshuuraad ay lunsadeen.

Qareenka Messi iyo aabihii ayaa ka dhawaajiyay inay racafaan ka qaadanayaan lacagaha canshuuraha ee lagu eedeeyay inay lunsadeen taa oo dhan 4.1-milyan oo euro sanadihii u dhexeeyay 2007 ilaa 2009.

Marka laga soo tago bilooyinka ganaaxa ee xabsiga Messi ayaa sidoo kale laga doonayaa lacago ganaax ah oo dhan 2-milyan oo euro oo u dhiganta (£1.7million) halka aabihii Jorge isna laga doonayo 1.5-milyan oo bound oo u dhiganta (£1.3million).

Laakiin lama filayo umana badna in midkood Messi iyo aabihii ay xabsiga ku qaadan doonaan 21-ka bilood ee lagu xukumay iyadoo uu qareenkoodu ka dhawaajiyay inay racfaan ka qaadanayaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close