Kannaalada soo daaya ciyaaraha CL ee dalka Talyaaniga oo isbeddel ku yimid

(Roma) 07 Luulyo 2016 – Waxaa isbedel lagu sameeyay kulamada Champions League ee laga daawanayey Mediaset Premium, iyadoo haatan mid ka mid ah ciyaaraha ay ku lugta leeyihiin kooxaha Talyaaniga laga daawan doono hilinka Canal 5.

Waa isbedel lagu sameeyay istaraatijiyaddii wax baahinta iyadoo tusaale ahaan sanadkii hore Juventus iyo Roma kaliya laga daawanayey Premium Sport.

Labada kooxood ee Juventus iyo Napoli ayaa si toos ah usoo baxay halka AS Roma ay geli doonto isreebreeb-horaadka CL, haddii ay haddaba soo wada gudbaan 2-da kulan ee habeenka qura dhacaysa mid unbuu sii dayn doonaa kanaalka Premium Calcio oo awal kulanka fiican dooran jirey maaddaama uu u gacan bannaanaa, balse haatan waxaa kulanka kale sii daynaya Canal 5.

b1

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close