AC Milan oo qarka u saaran saxiixa Marko Pjaca (Waa imisa?)

(Milano) 07 Luulyo 2016 – AC Milan ayaa heshiis la gaartey Dinamo Zagreb oo ay ka doonayso Marko Pjaca, oo ay ka bixinayso €20m oo lagu daray €5m oo bareemiyo ah, iyadoo ka hormartay Juve, Napoli iyo Inter balse Borussia Dortmund ayay weli halis ka wajahaysaa.

Sida uu qorayo Mediaset Premium, booqashadii lama filaanka ahayd ee Adriano Galliani uu ku tegey Zagreb shalay ayaa noqotay mid xal keentay oo heshiiska horseedday kaasoo haatan ah €25m, maaddaama ay isku fiican yihiin wakiilka laacibka.

Laacibkan caalamiga ah ee Croatia oo garbaha weerarka ka dheela ayaa waxaa horay u doonayey Juventus iyo Napoli oo haatan dib uga istaagey sicirka laacibka dartii, kaasoo laba jibaarmey kaddib ka qaybgalkii laacibka ee Euro 2016.

Si kastaba, Borussia Dortmund oo weli laacibka xiisaynaysa ayaa €25m oo toos ah bixin karta, balse laacibka ayaa aad u doonaya inuu ka dheelo Serie A-da, taasoo door ciyaaraysa.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close