DHEGEYSO: Tababare Soomaaliyeed oo macallin u ah dal aadan fileeynin oo ay is wajeheen xul uu wato Patrick Kluivert + Sawirro (Waraysi)

(Charlotte Amalie) 05 Luulyo 2016 – Soomaalidu waxay 25-kii sano ee ugu dambeeyay ku kala firirtay daafaha caalamka, waxaana dabcan dadkaasi ku jira bahda mihnadda isboortiga.

Axmed Maxamed Axmed (Axmed Gaab) waa tababare Soomaaliyeed oo xirfadle ah oo macallin u ah gasiiradda US Virgin Islands oo ah gasiirad dhacda Caribbean-ka ama bartamaha Ameerika.

Axmed xulalka uu la ciyaaray waxaa ka mid ah xulka Curacao oo uu layliyo laacibkii reer Holland ee Patrick Kluivert.

Haddaba, Gool FM oo ka duuleeysa doorkeeda ah horumarinta iyo xiriirinta isboortiga Soomaaliyeed ayaa khadka telefoonka kula xiriirtey Axmed oo ku sugan caasimadda gasiiradda uu joogo ee Charlotte Amalie. Waxaa waraysanaya Maxamed Xaaji Xuseen Raage.

b4

b b1 b2 b5 b6 b7 b8 b9 b19

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close