”Waxaan qabanaynaa Koobka Qaramada Yurub balse xaflad qoys maaha” – UEFA oo dhibsatay arrin ay sameeyeen laacibiinta Wales + Sawirro

(Paris) 05 Luulyo 2016 – UEFA ayaa u sheegtay Wales in aysan amaan ahayn in carruurta garoonk lasoo geliyo xilliga ay laacibiintu ku jiraan dabaal degyada ciyaaraha ka dambeeya gaar ahaan KQY ee 2016.

Waxaa la arkayey laacibiinta Wales oo carruurtooda socod baradka ah garoonka lasoo galay kaddib guushii rubuc-dhamaadka ay kaga gaareen Belgium.

Yeelkeede, UEFA ayaa haatan ka codsatay laacibiinta Wales inay joojiyaan carruurta ay garoonka kasoo buuxinayaan wixii ka bilaabma kulanka Portugal ee nus-dhamaadka Euro 2016, iyagoo daliishanaya walaac dhanka amaanka ah.

Maareeyaha tartanka ugu qaybsan UEFA ee Martin Kallen ayaa yiri: ‘Waa Koobka Qaramada Yurub ee maaha xaflad qoys.’

Sarkaalka UEFA ayaa raaciyey: ‘Waa muuqaal wanaagsan. Kama soo horjeedno 100 boqol, balse waa inaan taxaddarnaa.’ isagoo sheegay in haddii garoonka lasoo galo aysan amaan ahayn in carruur lagu hayo.

b b1 b2 b4

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close