Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska oo xaqiijiyey in illaa billowgii tartanka EURO 2016 ay Booliisku xireen 1000 qofood

wasiir

(Paris) 05 Luuliyo 2016 – Wasiirka arrimaha gudaha Waddanka Faransiiska ee marti gelinaya tartanka qaramada Yurub sanadkaan ee Bernard Cazeneuve ayaa caddeeyay in illaa billowgii EURO 2016 ay Booliisku xireen 1000 (Kun) qofood.

Bernard Cazeneuve waxa uu sheegay in 600 oo ka mid ah kunkaas la geeyey saldhigyo Booliis, isla markaana la xukumay 56 taageere, halka 34 xafiis oo laamaha socdaalkana ay musaafuriyeen kuwo qas wadeyaal ah.

“600 saldhigyo booliis ayaa la geeyay Kunkaasi, 56 qofood waa la xukumay, halka 34 xafiis Immigration-na ay musaafuriyeen taageerayaal qas wadeyaal ah, kuwaasoo mas’uul ka ahaa rabshadihii ka dhacay Marseille 11 June.” ayuu saxaafadda u sheegay Bernard Cazeneuve.

Boliis

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close