Roberto Mancini oo lala xiriirinayo xilka tababaranimo ee xulka Ingiriiska

(Roma) 05 Luulyo 2016 – Macallinka Inter Milan ee Roberto Mancini ayaa ka mid noqday macallimiinta u sharraxan xulka Ingiriiska, sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya Talyaanigu.

Roy Hodgson ayaa is casiley kaddib markii weji gabax kala soo kulmeen Euro 2016 oo ay wareegga 16-ka ku cuneen Iceland, waloow uu qandaraaskiisu uu marleeyba dhici lahaa.

Macallinka da’yarta 21-jirrada ee Gareth Southgate ayaa markii hore lala xiriirinayey balse wuu iska diidey, balse haatan SportMediaset, ayaa Mancini kusoo daray dadka uu ka fikirayo FA-ga Ingiriisku.

Mancini ayaa Premier League iyo FA Cup la qaaday Manchester City kahor intii aan laga eryin 2013-kii, isagoo markaa kaddib soo maray Galatasaray iyo Inter, oo uu haatan kula jiro qandaraas taxnaan doona ilaa Juunyo 2017.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close