Qiimaha Antoine Griezmann oo kor u siikacay kadib qaab ciyaareedkiisa fiican ee Euro 2016

Griezmann

(Paris) 05 Luulyo 2016 Antoine Griezmann ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya xulkiisa Faransiiska koobka qaramada qaarada yurub.

Shabakada suuqa kala iibsiga ee Transfermarkt ayaa shaaca ka qaaday in qiimaha Antoine Griezmann uu kor u kacay tan iyo markii uu bilowday euro 2016.

Qiimaha laacibka reer France ayaa ahaa dhamaadkii xiliciyaareedkii hore 50 milyan oo euro wuxuuna haatan marayaa 70 milyan oo euro.

Griezmann

Tan iyo xaggaagii hore qiimaha Griezmann ayaa kor u kacay nisbo dhan 55.6%, waxaana lagu sheegay qiimaha uu ka joogay suuqa June 2015 aduun dhan 45 milyan oo euro.

Sidoo kale weerar yahanka reer Poland ee Lewandowski ayaa ka mid ah ciyaartoyda uu qiimahoodu kor uga kacay halkii uu marayay xaggaagii 2015.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close