Bixitaanka Brexit ee Britain saamayn bay ku yeelan doontaa Premier League” – Arsene Wenger

(Paris) 05 Luulyo 2016 – Macallinka Arsenal ee Arsene Wenger ayaa dareensan in go’aanka United Kingdom ee ka bixista Midowga Yurub ay saamayn ku yeelan doonto horyaalka Premier League.

Odaygan Faransiiska ah ayaa muujiyey sida uu ula yaaban yahay ka bixitaankii ay Juun UK uga baxday MU kaddib markii lagu kala baxay afti aad iskugu dhowayd.

“Way i walal gelinaysaa, waana la shoogsanahay. Laacibiintu waxay arki doonaan in la dhimo gunnooyinkooda, iyadoo tartanka Germany uu noqon doono mid adag,” ayuu yiri 66-jirkan oo la hadlayey France Football.

“Aragtidayda, haddii uu horyaalka EPL uu noqdo mid aan soo jiidasho lahayn waxaa hoos u dhici doonta lacagaha ay bixiyaan TV-yadu, dakhliguna hoos buu u dhici doonaa, kaddibna waxay saamayn doontaa Premier League. Marka dhibaato ayaa jirta’,” ayuu daba dhigay.

“Hadda waxaa lagu jiraa xaalad hubaal la’aan ah, waana iska caddahay in Brexit ay raad reebi doonto. kaliyana maaha mustaqbalka dhow, balse sidoo kale midka fog.” ayuu yiri Wenger.

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close