”Aabahay Milan wuxuu u iibiyey si ay ula tartanto kooxaha Yurub” – Pier Silvio Berlusconi

(Milano) 05 Luulyo 2016 – Pier Silvio Berlusconi oo uu dhalay Berlusconi ayaa sheegay in iibka AC Milan uu yahay “mid isla kooxda loogu daneeynayey”.

Madaxwaynaha Rossoneri ayaa maanta xaqiijiyey inuu Milan iibiyey kaddib 30 sano oo uu maamulayey koob kastana la qaaday, isagoo sheegay inuu ka iibiyey dallad hoos tagta dowladda Shiinaha, in kastoo aan weli la saxiixin heshiiska rasmiga ah.

“Milan had iyo jeer waxay ahayd kooxda ugu horreeysa, waa arrin qalbiga uga taalla aabahay, lkn aabahay wuxuu garowsaday inay Milan ku fiican tahay gacmo kale si ay ula tartanto camaaliqooyinka waawayn ee haysta kharashka aan xuduudda lahayn,” ayuu Berlusconi Yare u sheegay Ansa.

“Qorshaha Milan ee ah in diiradda la saaro da’yar Talyaani ah waa habka saxda ah, balse Milan shaqo badan ayaa u taalla waayo waa in si qoto dheer dib u eegis dhan walba ah loogu sameeyo.” ayuu raaciyey.

Italian tycoon and Silvio Berlusconi's son Pier Silvio Berlusconi smiling beside two cups won by the Milan football club. Italy, 2000s
Italian tycoon and Silvio Berlusconi’s son Pier Silvio Berlusconi smiling beside two cups won by the Milan football club. Italy, 2000s

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close