Wiil yar oo Cudurka Kansarka qaba oo farriin qiiro leh u soo diray Lionel Messi iyo laacibiin hore oo iyana…..

Wiil1

(Buenos Aires) 04 Luuliyo 2016 – Wiil yar oo u dhashay waddanka Argentina ayaa dhambaal qiiro leh u soo diray Weeraryahanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Farriintaasi ayaa u qorneyd sidatan: “Anigu marnaba ma quusan, waxaan ahay Chiquito, adiguna ha quusan waxaad tahay laacib weyn, waana ku jeclahay”.

Dhambaalkan ayaa waxa uu qayb ka yahay isku dayo ay shacabka reer Argentina ku dalbanayaan in Messi uu dib ugu soo laabto xulka, isla markaana ka laabto go’aankii uu kaga  fariistay cayaaraha Caalamiga ah.

Dhinaca kale xiddigihii hore ee xulka Argentina ee 1986-kii ayaa iyaguna soo dhigay sawir ay kaga codsanayaan Messi in uusan cidleeynin oo uu la sii joogo.

xiddigo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close