RASMI: Sami Khedira oo seegi doona kulanka Semi Final-ka ee France

(Paris) 04 Luulyo 2016 Laacibka qadka dhexe ee xulka Germany iyo Juventus Sami Khedira ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono Semi Final-ka Euro 2016.

Sami Khedira ayaa dhaawac looga saaray bilowga kulankii Germany iyo Italy kaas oo xulkiisu uu rigoorooyin uga adkaaday xulka qaranka talyaaniga.

Tababare Joachim Low ayaa shaaciyay in Sami Khedira uusan taam u ahayn inuu ka hortago xulka qaranka France kulanka Khamiista ee Semi Final-ka Euro 2016.

“Sami Khedira ma ciyaari doono kulanka Semi Final-ka ee khamiista soo socota, dadaal badan ayaan ku bixin doonaa inuu taam u noqdo kulanka Final-ka” ayuu yiri tababare Joachim Low.

Sami Khedira ayaa kula biiraya Mats Hummels oo ganaax ku seegaya kulanka France iyo Mario Gomez oo seegaya inta ka harsan Euro 2016 liiska ciyaartoyda Germany ka maqnaan doona kulanka France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close