Leicester City oo qiimihii lacageed ee ugu sarreeyay taariikhdooda kula soo wareegtay Ahmed Musa

(Leicester) 05 Luuliyo 2016 – Kooxda Kubadda Cagta Leicester CIty ee waddanka Ingiriiska ayaa heshiis la gaartay weeraryahankareer Nigeria iyo kooxda CSKA Moscow ee Ahmed Musa.

Ahmed oo 23 sano jir ah ayay  BBC-du ogaatay in Leicester City ay kula wareegtay qiimihii lacageed ee ugu sarreeyay taariikhdooda, waxaana tan iyo markii uu CSKA ku biiray 2012 uu u dhaliyay 54 gool, isagoo u ciyaaray 168 kulan.

Ciyaaryahan Ahmed ayaa caafimaadka u mari doona kooxda xafadanaysa horyaalka Premier League ee Leicester City maalinta berri oo Arbaco ah.

Waxaa lagu xasuustaa ciyaaryahan Musa in uu 2 gool ka dhaliyay ciyaartii Nigeria ay guuldarro 3-2 kala kulmeen xulka Argentina Koobkii Adduunka 2014 ee Brazil, isagoo loo aqoonsan yahay ciyaaryahanka keliya ee  Nigeria u dhashay ee 2 gool ka dhaliya hal kulan ciyaareed oo ka tirsan tartan Koob Adduun.

Musa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close