Kaddib shantii gool ee xulka Faransiisku hoosta u geliyey Iceland, waa sidee kala sarreynta gooldhalinta tartanka EURO 2016?

CmeL6ddWYAA3DyW

(France) 04 Luuliyo 2016 – Xulka qaranka Faransiiska ayaa 5-2 ku xaaqay Iceland tartanka Euro 2016 heerkiisa siddeed dhammaadka, waxaana uu sidaas ugu soo baxay afar dhammaadka koobka qaramada Yurub.

Haddaba kaddib shantaas gool waa sidee tartanka gooldhalinta ee kobta dahabka koobka qaramada Yurub 2016?, waxaan halkaan hoose ku eegeynaa 10-ka xiddig ee ugu sarreeya haatan gooldhalinta Euro 2016.

Saddex ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ee marti gelinaya tartankan ayaa hoggaanka u haya gooldhalinta koobka qaramada Yurub, kaddib markii ay saddexduba goolal dhaliyeen kulankii dhowaa ee Iceland.

Ciyaaryahanka hoggaaminaya haatan tartanka kobta dahabka ee Yurub waa Antoine Griezmann oo tirsan xulka qaranka France, kaasoo goolkii kulankii dhowaa uu ka dhaliyey Iceland ku noqday ninka ugu goolasha badan ilaa iyo hadda tartankan waxaana uu leeyahay 4 gool, Griezmann waxa uu ilaa iyo hadda sameeyey 2 caawin waxaana u ciyaaray 345 daqiiqo.

Waxaa kaalinta labaad ee gooldhalinta ku wada jira weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska ee Olivier Giroud, saaxiibkiisa ay isku xulka yihiin ee Dimitri Payet, xiddiga xulka Wales ee Gareth Bale iyo Álvaro Morata oo xulkiisa Spain tartanka laga reebay ayaa wadaa min saddex gool.

Cristiano Ronaldo (Portugal), Radja Nainggolan (Belgium), Ivan Perišić (Croatia), Jakub Błaszczykowski (Poland) iyo Nani (Portugal) ayaa dhammaantood wadaaga ama leh min 2 gool, inkastoo wiilasha Portugal maahane inta kale ay tartanka ka hareen.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 10 xiddig ee ugu sarreeya gooldhalinta Euro 2016, xiddig waliba xulka uu ka tirsan yahay iyo goolasha uu baasay ama caawiyey:-

ANTOINE GRIEZMANN | France | Goolasha: 4 | Caawinta: 2

OLIVIER GIROUD | France | Goolasha: 3 | Caawinta: 2

DIMITRI PAYET | France | Goolasha: 3 | Caawinta: 2

GARETH BALE | Wales | Goolasha: 3 | Caawinta: 1

ALVARO MORATA* | Spain | Goolasha: 3 | Caawinta: 0

CRISTIANO RONALDO | Portugal | Goolasha: 2 | Caawinta: 2

RADJA NAINGGOLAN* | Belgium | Goolasha: 2 | Caawinta: 1

IVAN PERISIC* | Croatia | Goolasha: 2 | Caawinta: 1

JAKUB BLASZCZYKOWSKI* | Poland | Goolasha: 2 | Caawinta: 1

NANI | Portugal | Goolasha: 2 | Caawinta: 1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close