Kaddib kusoo biiristii Bile, Macaani, Xasan Afgooye iyo Xasan Siidoow, sidee noqon kartaa shaxda Dekedda xilli ciyaareedka soo socdo

IMG_8208

(Muqdisho) 04 Luulyo 2016. Kooxda Dekedda ayaa lasoo wareegtay xiddigo gaaraya ilaa iyo afar xiddig kuwaas oo u ciyaarayay kooxaha Saxafi  iyo Elman.

Naadiga kaalinta labaad kasoo gashay horyaalka Soomaaliya ayaa fasaxday ciyaaryahanada kala ah Maxamed Abshir Abuukar Shooli, Cabdi Naasir Nuur Naaseey, Bashiir Aadan Imaan, Maxamed Bashiir Cusmaan iyo Maslax   Xasan waxaana qaarkood ay ahaayeen shax koowaad ee macallin Cabdi Joon.

Kooxda ayaa waxaa ku cusub Bille Muxudiin Buraale oo ka ciyaara weerarka, Macaani oo isna ka dagaalama  khadka dhexe iyo Xasan Siidoow iyo Xasan Afgooye oo kamid ah daafacyada ugu wanaagsan Soomaaliya.

Tan iyo markii xilka tababaranimo ee kooxda Dekedda loo dhiibay Cabdi Joon ayaa waxaa yimid is bedel weyn, waxaana sanadkii u dambeysay kooxda horyaalka loogu qaaday kaliya lix dhibcood, iyadoo gashay kaalinta labaad.

Shaxda Koowaad

1

Shaxda Labaad

2

Shaxda Saddexaad

4

W/D: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close