Guddoomiyaha PSG oo u mahad celiyey Laurent Blanc, isla markaana soo dhaweeyey macallinka cusub ee kooxda… (Daawo)

Nasir

(Paris) 05 Luuliyo 2016 –  Guddoomiyaha kooxda Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska Nasser Al Khelaifi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku soo dhoweeyay Tababaraha cusub ee naadiga Unai Emery oo xilka kala wareegay Laurent Blanc.

“Xushmad ballaaran ayaan uga haynaa dhammaan wixii uu naadigani u soo qabtay 3-dii sano ee la soo dhaafay, waxaana leeyahay Mahadsanid Blanc adiga iyo Shaqaalahaagiiba.” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Milkiilaha PSG Al Khelaifi.

Wax faah-faahin ah kama uusan bixin Nasser sababaha 6 bilood ka hor, iyadoo heshiiska loo kordhiyay Blanc illaa 2018 uu xilka uga tuuray, iyadoo la ogyahay inuu xilli ciyaareedkii dhammaaday uu la qaaday Horyaalka Ligue 1 Faransiiska.

Al Khelaifi ayaa ku dhawaaqay in uu isbeddel ku samaynayo naadiga Parisien-ka, taasina ay tahay sababaha uu u casilay Blanc.

DAAWO MUUQAALKA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close