Antonio Conte oo bartilmaameed ka dhiganaya Graziano Pelle

(London) 04 Luulyo 2016 Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa xiisaynaya soo xerogalinta weerar yahanka ay isku dalka yihiin ee Graziano Pelle suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Qandaraaska Graziano Pelle ee kooxda Southampton waxaa uga harsan hal xiliciyaareed, Kooxaha Chelsea iyo Everton ayaana isku haysta saxiixiisa.

Sky Italia ayaa daaha ka qaaday in tababare Antonio Conte uu bartilmaameed xoogan ka dhiganayo Graziano Pelle kaas oo ahaa dooqiisa koowaad ee xulka qaranka Italy koobka euro 2016.

Chelsea FC transfer news: Southampton striker Graziano Pelle wanted by new Blues boss Antonio Conte

Southampton ayaa ku qiimaynaysa laacibkeeda 30 jirka ah aduun dhan 12 ilaa 24 milyan oo euro, Conte ayeeyna ka go’antahay inuu Chelsea kula midoobo weerar yahanka reer talyaani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close