Real Madrid oo ku sii dhawaanaysa inay shaaciso heshiis kordhinta Gareth Bale

Bale 1

(Madrid) 03 Luulyo 2016 Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku sii dhawaanaysa inay ku dhawaaqdo heshiis kordhinta laacibka xulka qaranka Wales ee Gareth Bale.

Shabakada Defanse Central ee dalka Spain ayaa ogaatay in Real Madrid ay shaacin doonto isbuucyada soo socda heshiis kordhinta Gareth Bale.

Wararka ayaa sheegaya in laacibka reer Wales uu ogolaaday inuu u saxiixo kooxdiisa heshiis ku eg ilaa June 2021 taas oo rajo beel ka dhigaysa qorshihii Man United oo doonaysay saxiixiisa.

Real Madrid ayaa kor u qaadi doonta mushaarka Bale, waxaana la siinayaa mushaar lamid ah kan Ronaldo uu ka qaato kooxda reer Spain.

Wadahadal dhexmaray wakiilka Gareth Bale iyo maamulka sare ee Real Madrid isbuucii la soo dhaafay ayaa ku soo idlaaday in laacibku uu saxiixo heshiis ah 2021 mushaarkiisana la kordhiyo.

Qandaraaska Bale ee Real Madrid ayaa ku eg 2019 laakiin kooxda ayaa diyaar u ah inay ku darto 2 sano oo dheeraad ah si ay uga hor istaagto inuu dib ugu laabto horyaalka ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close