Marka hore waa Ben Arfa, misane Grzegorz Krychowiak, PSG oo iminkana la soo wareegtay Thomas Meunier…+SAWIRRO

(Paris) 03 Luulyo 2016. Paris Saint-Germain ayaa dhammeystirtay saxiixa daafaca garabka midig ee kooxda Brugge Thomas Meunier sida ay xaqiijisay kooxda xafidaneysa Ligue 1.

24-jirka daafaca garabka midig ayaa dowr muhiim ah uga ciyaarayay xulka Belgium ee soo gaaray sideed dhammaadka Euro 2016, kaddib labo maalmood oo qura markii uu xulkiisa ku soo haray gacanta Wales wuxuu noqday saxiixii saddexaad ee kooxda PSG xagaagan kaddib Hatem Ben Arfa iyo Grzegorz Krychowiak.

Meunier ayaana baaqi ku sii ahaan doona magaalada Paris ee dalka Faransiiska afarta sano ee soo socota.

SAWIRRO:

Grzegorz Krychowiak:

psg (1)

Hatem Ben Arfa:

psg (2) psg (3)

Thomas Meunier:

psg

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close