Imisa ayey kugu qaadaneysaa in aad halmar ku wada hesho saxiixyada Messi, Suarez iyo Neymar? Qiimahooda ayaa daaha laga rogay?

nintchdbpict000248868635

(London) 03 Luulyo 2016. Waxaa daaha laga rogay in Barcelona ay leedahay duulaanka ugu qaalisan dunida kubadda cagta.

Haayada caalamiga ah ee cilmi barista ku sameysa ciyaaraha (International Centre for Sports)  ayaa shaaca ka qaaday qiimaha weerarka MSN ee kooxda ku guuleysatay La Liga.

Lionel Messi ayaa liiska ugu sareeya oo jooga £177.15million laakiin £33.57m ayaa laga jaray qiimaha uu ku fadhiyo.

Booska labaad waxaa ku jira Neymar oo lagu qiimeeyey £169.10m kaddib qandaraaskii shanta sano ahaa ee uu dhawaan u saxiixay dhinaca Camp Nou.

nintchdbpict000229087281-e1467542232229

Luis Suarez waxa uu iminka soo galay kaalinta sideedaad kadib olole wacan oo uu la qaatay Barca, waxa uu ka soo booday £86.3m, hada qiimihiisu waa £88.79m.

Taas waxa ay dhigan tahay in duulaanka Barcelona marka la isku geeyo qiimaha lagu iibsan karo ay tahay £435.03m.

Cristiano Ronaldo waxa uu ka dambeyaa Lionel Messi iyo Neymar waxaana lagu qiimeeyey £115.64m.

Laacibka ugu sareya Premier League waa Anthony Martial oo ku jira booska shanaad.

Ciyaaryahanka u dhashay England ee liiska ugu koreya waa Dele Ally oo ku jira kaalinta 13-naad, qiimhiisu waa £63.11m.

image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close