EURO 2016: Yuu xulka Faransiisku ku beegmayaa wareegga afar dhammaadka, yaase loo doortay Man Of The Match?

Cmd-kThWcAAOYYw

(Paris) 04 Luuliyo 2016 – Xulka qaranka Faransiiska ee marti gelinaya sanadka koobka qaramada Yurub ayaa kulankii dhawaa ee wareegga siddeed dhammaadka koobkan Euro 2016, waxa uu 5-2 ku xaaqay Iceland.

Waxa uu xulka France sidaasi ugu gudbay wareegga afar dhammaadka Euro 2016, waxaana uu la ciyaari doonaa, xulka qaranka Jarmalka, kaasoo soo reebay Talyaaniga.

Labada xul ee France iyo Germany ayaa afar dhammaadka koobka qarammada Yurub waxa ay isku qaban doonaan ciyaar dhici doonta sida qorshuhu yahay 7 bisha July, iyadoo dhinaca kale ay is-wajihi doonaan 6 bisha July xulalka Portugal iyo Wales haddii si kale loo dhigana xiddigaha ka wada tirsan Real Madrid ee Ronaldo iyo Bale.

Cmd_tl7WIAE3yLi

Dhinaca kale weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Olivier Giroud ayaa loo doortay laacibka kulanka (Man Of The Match), kaddib markii xulkiisa kulankan u dhaliyey labo gool.

Cmd-4IpXEAApLr_

FG: Codeynta (Man Of The Match) ma’ahan Gool FM ee waa shirkadda Carlsberg.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close