Waayihii GOMEZ ee Euro 2016 oo soo afjarmay, Schweinsteiger iyo Khedira oo iyana dhaawacyo qaba iyo Hummels oo maqnaanaya

gomes

(France) 03 Luulyo 2016. Mario Gomez ayay uga soo dhammaatay Euro 2016 kaddib markii uu soo gaaray dhaawac dilaac muruqa ah kulankii xalay uu xulkiisa rigoorooyinka uga adkaaday Talyaaniga.

Weeraryahanka kooxda Fiorentina oo sanadkii la soo dhaafay amaahda ku soo qaatay naadiga Besiktas ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka boxo qeybtii labaad ee ciyaarta, cag dambana ma soo dhigi doono garoomada inta ka harsan tartanka Euro ee ka soconaya dalka Fransiiska.

Tababare Joachim Low ayaa sidoo kale waayi kara Bastian Schweinsteiger iyo Sami Khedira oo iyana dhaawacyo qaba. Intaa oo kaliya ma ahanee waxaa sidoo kale xulka Jarmalka ka maqnaan doona kulankooda semi finalka Euro 2016 daafacooda birta ah ee Mats Hummels kaa oo ku maqnaan doona ganaax labo kaarka jaalaha ah.

Jarmalka ayaa semi-finalka la ciyaari doona cidii ka soo baxda xulalka Faransiiska iyo Iceland oo caawa ciyaaraya sideed dhammaadka Euro 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close