DEG DEG: Arsenal oo heshiis la gaartay saxiixeedii labaad ee xilli ciyaareedka cusub kaddib Xhaka

rar

(London) 03 Luulyo 2016. Naadiga Arsenal ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay weeraryahanka reer Japan Takuma Asano oo ay kala soo wareegeyso naadiga Sanfrecce Hiroshima.

Gunners ayaa xaqiijisay in la gaaray heshiis mabda’ ahaan balse ay dhimanta tahay shuruudaha kale iyo waliba tijaabada caafimaad ee laacibka.

Waxaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixa labaad ee Arsenal kaddib imaanshiyihii xiddiga qadka dhexe ee Granit Xhaka.

Tababaraha Arsenal Arsen Wenger ayaa dooqiisa koowaad ka dhiganaya xoojinta weerarkiisa kaddib markii ay kooxdiisu ku dhibtootay goosha horteeda xilli ciyaareedkii tagay.

Danny Welbeck ayaana kooxda uga maqan dhaawac jilibka ah dhowr bilood.

Arsenal ayaa miiska saartay lacagaha 20-ka milyan oo bound ee lagu bur burin karo heshiiska weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy lakiin wiilka reer England ayaa doortay inuu la sii joogo kooxda xafidaneysa horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close