Chelsea & Arsenal oo ku hardamaya Kalidou Koulibaly! (Kooxdee doortay?)

(London) 03 Luulyo 2016 – Warsidaha The Sun ayaa sheegaya in Kalidou Koulibaly uu dabada ka riixayo qorshe ku kacaya £30m oo gini oo uu kula biiri karo Chelsea ka gadaal markii ay qandaraas cusboonaysiin isku af garan waayeen Napoli.

Sida uu dhigayo warsidahan Ingiriiska ah, Chelsea ayaa u diyaar ah inay £30m (€35.7m) kusoo qaadato laacibkan caalamiga ah ee reer Senegal oo daafaca dhexe ka dheela.

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysey laacibka, balse inuu heli karo fursad uu kula shaqeeyn karo Antonio Conte ayaa ah waxa go’aankiisa bedeley.

Yeelkeede, warar kale ayaa sheegaya in Napoli aysan dan iyo heello ka lahayn inay iibiso laacibkan oo kooxda qandaraas kula jira ilaa iyo Juunyo 2019.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close