Antonio Conte oo caddeeyay goorta uu Chelsea imanayo

(Bordeux) 03 Luulyo 2016 – Antonio Conte ayaa todobaad ka nasan doona buuqa iyo neerfa kiciska nolosha tababare kahor inta aanu bilaabin tacaburkiisa cusub ee Chelsea isagoo sidoo kale sheegay inuu xulka Talyaaniga iskaga tegey kaddib markii lala shaqayn waayay isagoo leh. “Qofina ima garab joogsan.”

Xulka Azzurri ayaa xalay laga cirib tiray tartanka Euro 2016 kaddib markii ay 6-5 rigoorayaal ah kaga badiyeen Germany oo ay 1-1 ku kala bexeen rubuc-dhamaadka.

“Maalmo yar gudohood waxaa bilaabmaya fasalka cusub waxaanna doonayey inaanan fasax qaadanin haddii aan soo bixi lahayn.” ayuu yiri Conte.

“Hadda waxaan qaadan doonaa todobaad fasax ah si aan iskaga soo mayro niyad-jabka kaddibna waxaan bilaabayaa tacaburka cusub. Waan ogahay inay adag tahay, balse waan jeclahay turaanturrooyinka.” ayuu raaciyey Conte.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close