“Waxaan doonayaa inaan ku guulaysto Ballon d’Or” – Mario Balotelli

(Liverpool) 02 Luulyo 2016 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mario Balotelli ayaa sheegay inuu aad ugu hami waynyahay ku guulaysiga laacibka ugu fiican aduunka.

Mario Balotelli ayaa sheegay in dadku ay ku qoslayaan isaga haddii uu sheego inuu doonayo ku guulaysiga Ballon d’Or maadama uusan soo muujin qaab ciyaareed u fududayn kara ku guulaysiga abaal marintaas.

“Waxaan doonayaa inaan ku guulaysto Ballon d’Or, inkasta oo aanan soo muujin qaab ciyaareed fiican 2-dii xiliciyaareed ee la soo dhaafay” ayuu u sheegay Mario Balotelli Corrieri dello Sera.

“Waan ogahay in dadku ay igu qoslayaan marka aan iraahdo waxaan doonayaa ku guulaysiga Ballon d’Or, taasina waa wax iska dabiici ah waayo ma aanan samayn wixii aan ku noqon lahaa laacibka ugu fiican aduunka”.

“Waxa kaliya ee muhiimka ah ayaa ah inaan qaatay qaladaadkayga haataan xili aysan xeero iyo fandhaal kala dhicin”.

Mario Balotelli ayaa dhanka kale xaqiijiyay in tababare Conte uu ku saxnaa inuu ka soo tago isaga maadama uusan muujin dadaal uu ku gaari karo inuu ka soo muuqdo xulka qaranka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close