Pablo Zabaleta oo ku sii dhawaanaya kooxda Roma (Imisa sano ayuu u saxiixayaa?)

Pablo Zabaleta

(Roma) 02 Luulyo 2016 Daafaca midig ee kooxda Man city iyo xulka Argentina ee Pablo Zabaleta ayaa ku sii dhawaanaya kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga ee Roma.

Sida laga soo xigtay Sportitalia, Pablo Zabaleta ayaa qabsaday ilaa dhawr maalmood si uu go’aan kama danbays ah u siiyo kooxda macalin Spalletti.

Zabaleta ayaa la filayaa inuu go’aankiisa kama danbaysta ah u gudbiyo kooxda Roma talaadada nagu soo aadan, Roma ayaa miiska u saartay 31 jirkaan heshiis 2 sano ah oo uu ku darsan karo sanad 3-aad.

Qandaraaska laacibka ee Man City waxaa uga haray hal xiliciyaareed laakiin waxaa soo muuqanaya in laacibku uu doonayo inuu tijaabo cusub ku qaato horyaalka talyaaniga xiliciyaareedka soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close