Ninka ugu dheereeya adduunka Usain Bolt oo uu shaki wayn soo wajahay ka qeyb galkiisa Rio 2016 Olympics…(Maxaa helay?)

bollt

(Kingston) 02 Luulyo 2016. Ninka ugu dheereeya adduunka ee saddexda jeer heysta rikoodhka orodka gaaban ee Usain Bolt ayaa isaga baxay tartanka Jamaican Olympic trials ee ka dhacay gudaha dalkiisa Jamaica kaddib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.

Waxaana toos loo geeyay saalada dawaynta iyadoo ay taa shaki wayn galineyso taam noqoshadiisa tartanka xiisaha badan ee Olympicada adduunka ee ka furmi doona dhawaan magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

boltt

Ninka heysta rikoodhka 100 ka mitir iyo midka 200 ayaa u sheegay taageerayaasha inuu jiro dilaac yar oo muruqa ah isla markaana uu ka baxay tartanka ka soconayay dalkiisa balse soo kabsashadiisa ay durba bilaabatay.

Wuxuu sheegay Bolt inuu doonayo inuu ka qeyb galo London Anniversary Games ee dhacaya 22-ka July si uu diyaar ugu noqdo tartanka Olymbikada adduunka ee ka dhacay Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close