Mikrafoonkii uu Ronaldo tuuray oo dib looga soo helay wartii gunteeda hoose! Waxaase yaab leh Telefishinki lahaa oo shaaciyey waxa ay ka yeeli doono iyo dadka helay!!

3412162

(Lyon) 03 Luulyo 2016. Mikrafoonkii uu warta ku tuuray Cristiano Ronaldo ayaa waxaa helay laba darawal.

Xiddiga Real Madrid waxa uu qabsaday saxaafada ciiwaanadeeda kaddib markii uu Saxafi Mikrafookiis uu ku dhex tuuray war xilli uu ku sugnaa Hotel-ka ay Portugal ka daganeyd Lyon kahor kulankii Hungaray ee Group-kooda.

Diogo Torres, oo ahaa Saxafiga una shaqeenayey Telefishinka CM oo kala hawl gala Portugal ayaa waxa uu  Isfahan waa muddo dher ah kala dhexeyaa Ronaldo.

Sabtidii waxa uu Telefishinka CM xaqiijiyey in labada darawal Paulo Martins iyo  Antonio Bessone Basto, ay dib u heleen Mikrafoonka oo dhex yaalay gunta warta.

CMTV waxa ay sidoo kale shaaciyeen in ay suuqa dhigi doonaan Mikrafoonka deedna aduunka ay ka helaan ay ku caawin doonaan caruunta naafada ah ee Funchal – magaalada uu ku dhashay Ronaldo.

GOOL FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close