MA DURBA!? Zlatan oo jabiyey Rikoor u yaalay Manchester United…Muxuu ahaa?

35DCCF0C00000578-3669894-image-a-49_1467393861530

(Manchester) 02 Luulyo 2016. Meel walba oo uu tago waxa uu wata soo jiidasho dabiici  ah (Qurux ama Box Office) hada, Zlatan Ibrahimovic waxa uu isku xardhaay buugta lagu qoro sooyaalka Manchester United.

34 jirka waxa uu bilaasha Jimcihii ugu soo biiray Red Devils waxa uuna durba jabiyey Rikoor  yaalay waqtigii lagu guda jiray tijaabadii caafimaad ee laga qaadayey.

Ibrahimovic waxa uu soo caga dhigtay Manchester Jimcihii, halkaas waxa uu ku maray imtixaankii fayoobuda oo laaga qaaday goobta tababarka Carrington, halkaas oo uu iminka Rikoor ka sameyey.

‘Durba taariikh ayuu sameyey,’ ayaa lagu soo dhigay Twitter-ka rasmiga ah ee United galabtii Sabtida.

‘Waxa aynu xaqiijineynaa in Zlatan jabiyey Rikoor ku saleysanaa baartitaankii lagu hayey ee caafimaadkiisa.’

Walow aan wali daaha laga rogin natiijada iyo tirada Rikoorkiisa, waa waxa ay rabaan Jamaahiirta United weyna u maqsuudi doonaan kahor inta aanba la gaarin ololaha kal dambe.

RIKOORKA: Waxa uu Gym-ka ku qaaday MIISAANKII ugu cuslaa!


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close