EURO 2016: Yuu xulka Jarmalku ku beegmayaa wareegga afar dhammaadka, yaase loo doortay Man Of The Match?

CmZDJlWWEAAI80t

(Paris) 03 Luuliyo 2016 – Xulka qaranka Jarmalka ayaa kulankii dhawaa ee wareegga siddeed dhammaadka koobka qaramada Yurub ee Euro 2016, waxa uu rigooreyaal 6-5 uga adkaaday dhiggiisa Talyaaniga, kaddib ciyaar ku dhammaaday barbaro 1-1.

Waxa uu xulka Germany sidaasi ugu gudbay wareegga afar dhammaadka Euro 2016, waxaana uu la ciyaari doonaa midkood xulalka France ama Iceland oo caawa wada ciyaari doona.

Jarmalku waxa uu la ciyaari doonaa afar dhammaadka koobka qaramada Yurub labada xul ee France iyo Iceland kii soo adkaada ciyaar dhici doonta sida qorshuhu yahay 7 bisha July.

CmZFodhXEAEdfNU

Dhinaca kale goolhayaha xulka qaranka Germany iyo kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer ayaa loo doortay laacibka kulanka (Man Of The Match), kaddib markii xulkiisa u soo saaray afar dhammaadka oo uu rigoorayaal ka badbaadiyey Italy.

FG: Codeynta (Man Of The Match) ma’ahan Gool FM ee waa shirkadda Carlsberg.

CmZON-hWAAE4yLa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close