Didier Deschamps oo ciyaartoydiisa uga digay xulka qaranka Iceland ka hor kulankooda Habeen dambe

(Paris) 02 Luulyo 2016 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa uga digay ciyaartoydiisa qatarta xulka qaranka Iceland ka hor kulankooda habeen dambe.

Didier Deschamps ayaa sheegay in Iceland uu yahay xul aad u adag isla markaana aan sifudud ku soo gaarin wareega 8-dhamaadka euro 2016.

“Xulka qaranka Iceland si lama filaan ah kuma imaan wareega 8-dhamaadka, waa xul awood leh, shaqo adag oo ay qabteen ayeey ku soo gaareen heerkaan” ayuu yiri tababare Didier Deschamps oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka habeen dambe.

“Kulanka habeen dambe ee Iceland ma ahan mid fudud, waxay haystaan ciyaartoy fiican oo ka ciyaara horyaalada waa wayn, waxay leeyihiin xamaasad aad u saraysa”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan xadidno khatarta xulka qaranka Iceland ee koornooyinka iyo laadadka xorta ah, sidoo kale waa inaan iska ilaalinaa kubadda foora tuurka oo ay aad ugu wanaagsanyihiin”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close