“Way adagtahay in wiilkaygu uu ku biiro Real Madrid” – Aabaha dhalay Pogba oo hadlay!

بوجبا

(Madrid) 01 Luulyo 2016 Aabaha dhalay laacibka diirada u saaran kooxda Real Madrid ee Paul Pogba ayaa ka hadlay mustaqbalka wiilkiisa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Fassou Antoine Pogba ayaa sheegay inuu aad u rajaynayo in wiilkiisu uu ku biiro Real Madrid balse haatan taas ay aad u dagathay.

Aabaha dhalay Pogba ayaa qishay in wiilkiisu uu ka tagi doono Juventus xaggaagan wuxuuna intaa ku daray in wiilkiisu uu dhawaan gaari doono go’aan ku aadan mustaqbalkiisa.

“Waxaan doonaynaa in Paul uu ka ciyaaro horyaalka ugu fiican aduunka, waan qiimayn doonaa dooqyada na horyaala, isaga ayaanan uga leexan doonaa go’aankiisa oo uu gaari doono waqti dhaw” ayuu yiri Fassou Antoine Pogba oo la hadlay saxaafada.

“Waa arin fiican in Real Madrid ay doonayso Pogba, waana ku faanaynaa taas, marka runta laga hadlo arinkaas waa mid adag, laakiin waxaan rajaynayaa inuu ku biiro”.

Aabaha dhalay Pogba ayaa sidoo kale ka hadlay in wiilkiisu uu ku saxnaa markii uu doortay ciyaarista kubadda cagta xili uu ku dhawaa inuu noqdo laacib ciyaara Teeniska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close