KA BOGO: Rikoodhadii laga diiwaan galiyay kulankii uu xulka Wales ku reebay Belgium, uguna soo baxay wareegga afar dhammaadka EURO 2016

CmTi62kXYAA3eKa

(France) 02 Luuliyo 2016 – Xulka qaranka Wales ayaa 3-1 uga badiyey Belgium tartanka Euro 2016 heerkiisa siddeed dhammaadka, waxaana uu sidaas ugu soo baxay afar dhammaadka koobka qaramada Yurub.

Haddaba waxaan halkan kugu heynaa aqriste RIKOODHADII laga diiwaan galiyay kulankan:-

>- Wales ayaa dhaliyey 10 gool tartanka Euro 2016, waxaana in ka badan xulalka kale.

>- Xulka Wales ayaa garaacay Belgium waxaa ay gaareen Semifinal-koodii ugu horreeyey ee tartan wayn.

>- Wales ayaa noqotay xulkii ugu horreeyay ee gaara Semifinal-ka Euro markeedii ugu horreysay, taasoo la mid ah rikoorkii Sweden ay dhigtay 1992-kii oo sidan oo kale ugu soo baxday Semifinal-ka.

>- Nasiib-darro Aaron Ramsey ayaa kaarka digniinta ah oo taagay taasoo ka dhigan inuu seegi doono kulanka afar dhammaadka Euro 2016 ee xulkiisa Wales uu la ciyaari doono Portugal.

>- Aaron Ramsey ayaa noqday British-kii ugu horreeyey ee labo gool iyo ka badan caawiya hal kulan oo Euro ah tan iyo David Beckham oo goolal ku caawiyey xulka Portugal sanadkii 2000.

>- Aaron Ramsey ayaa abuuray shan fursadood qeybta hore ee kulankan, waxaana uu saddex dheer yahay ciyaaryahan waliba oo garoonka ugu jiray xulalka Wales iyo Belgium.

>- Xulka Wales ayaa dhaliyay 8-gool tartanka Euro 2016, kaliya labo jeer ayay xulalka British-ku golal badan ka dhaliyeen koob wayn, waxaana xulka England ee sanadihii1966-kii iyo 2004.

>- Ashley Williams ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey taariikhda ee xulka qaranka Wales gool ugu dhaliya wareegga siddeed dhammaadka ee tartan wayn.

>- Kaliya waa 23 sano jir, laakiin Romelu Lukaku waxa uu kulankiisii 50-aad u saftay xulka qaranka Belgium, inkastoo dalkiisa la reebay.

CmThmTXWcAQYq9v

>- Aaron Ramsey ayaa dhaliyey ama caawiyey afar ka mid ah lixdii gool ee ay shabaqa dhigeen xiddigaha Wales.

>- Eden Hazard afar caawin ayuu sameeyay 5-kulan tartanka Euro 2016, waana in ka badan intii uu sameeyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo idil horyaalka Premier League oo ah 3 caawin.

>- Eden Hazard ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey tartanka Euro ee afar gool caawiya, tan iyo Ljubinko Drulovic sanadkii 2000.

>- Kevin De Bruyne ayaa dhaliyey shan gool, isla markaana caawiyey todoba kale 12-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray xulka Belgium kulankaan ka hor.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close