EURO 2016: Yuu xulka Wales ku beegmayaa wareegga afar dhammaadka, yaase loo doortay Man Of The Match?

CmTq_y4WYAAYTc2

(Lyon) 02 Luuliyo 2016 – Xulka qaranka Wales ayaa kulankii dhawaa ee wareegga siddeed dhammaadka koobka qaramada Yurub ee Euro 2016, waxa uu xaaqay dhiggiisa Belgium isagoo kaga adkaaday 3-1.

Waxa uu xulka Wales sidaasi ugu gudbay wareegga afar dhammaadka Euro 2016, waxaana uu la ciyaari doonaa xulka qaranka Portugal, iyadoo kulankan ay iska hor’imaan doonaan labada xiddig ee ka wada tirsan kooxda Real Madrid, C.Ronaldo iyo G.Bale, haddaba yaad taageeri doontaa labadan xiddig?.

Labadan xul ee Wales iyo Portugal ayaa afar dhammaadka koobka qaramada Yurub ee EURO 2016 isku qaban doono ciyaar dhici doonta sida qorshu yahay 6 bishan July.

 CmTwZYfWcAA6kgU

Dhinaca kale weeraryahanka xulka qaranka Wales Robson-Kanu ayaa loo doortay laacibka kulanka (Man Of The Match), kaddib markii uu gool caaqibo lahaa ka dhaliyey Belgium.

Robson-Kanu waxa uu noqday ciyaaryahankii afaraad ee Wales ah oo ku guuleysta Man of the Match Euro 2016, kaddib Bale, Ramsey & Allen.

FG: Codeynta (Man Of The Match) ma’ahan Gool FM ee waa shirkadda Carlsberg.

CmTsrPTWAAAvhhx

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close