DEG DEG: Liverpool oo loo soo gudbiyay dalabkii ugu horeeyay oo lagu doonayo Christian Benteke

(Liverpool) 01 Luulyo 2016 Liverpool ayaa loo soo gudbiyay dalabkii ugu horeeyay oo lagu doonayo weerar yahankooda reer Belgium ee Christian Benteke.

Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Crystal Palace ay ku dalbatay Christian Benteke aduun dhan 25 milyan oo Ginni si ay u hesho suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Palace ay laacib kaan kala heshiisay shuruuda gaarka ah isla markaana uu doonayo inuu xirto maaliyada Crystal Palace xiliciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa la sheegay inay ku doonayso Christian Benteke lacag dhan 30 milyan oo Ginni haddiiba 25 jirka reer Belgium uu katagayo Anfield xaggaagan.

Benteke ayaa dareensan in booskiisa Liverpool uu mugdi soogalay kadib markii kooxdu ay la soo wareegtay weerar yahankii Southampton ee Mane kaas oo kooxdu ay kula soo wareegtay 30 milyan oo Ginni.

Christian Benteke ayaa qaab ciyaareed liita ku soo bandhigay kooxdiisa Liverpool halkii xiliciyaareed ee uu ku qaatay Anfield kadib markii ay 32.5 milyan oo Ginni ugala soo wareegeen Aston Villa xaggaaggii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close