Alexis Sanchez oo qarka u saaran inuu kooxdiisa u saxiixo heshiis cusub

(London) 01 Luulyo 2016 Laacibka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa iska diiday dalabyada uga imaanaya Juventus isaga oo doortay inuu iska sii joogo kooxdiisa Gunners.

Maalmihii u danbeeyay ayaa Alexis Sanchez aad loola xiriiriyay kooxda uu hogaamiyo tababare Allegri laakiin laacibka ayaa ku sii dhawaanaya inuu qalinka ugu duugo Arsenal heshiis cusub.

Qandaraaska Alexis Sanchez ee kooxda Arsenal ayaa ku eg June 2018 balse warar ka soo baxaya dalka Chile ayaa sheegaya in laacibku uu saxiixi doono heshiis ku eg ilaa June 2020.

Sanchez ayaa la sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay nolosha magaalada London isaga oo diyaar u ah in waqti dhaw uu qalinka ugu duugo heshiis cusub kooxdiisa Arsenal.

Warkaan ayaa ah mid aan u wanaagsanayn dhaga kooxda Juventus oo diyaar u ahayd inay ku qanciso inuu dib ugu laabto horyaalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close