“Ronaldo aad ayuu muhiim ugu yahay xulka Portugal” – sidaas waxaa yiri saaxiibkiis Adrien Silva

(Paris) 30 Juunyo 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon iyo xulka Portugal Adrien Silva ayaa ka hadlay muhiimada uu Ronaldo u leeyahay xulkiisa ka hor kulanka caawa ee Poland.

Adrien Silva ayaa sheegtay in Ronaldo uu aad muhiim ugu yahay xulka Portugal koobka qaramada qaarada yurub wuxuuna intaa ku daray inuu yahay hogaamiyahooda.

“Haa, Ronaldo aad ayuu muhiim noogu yahay” ayuu u sheegay saxaafada mar waxlaga waydiiyay qaab ciyaareedka liita ee kabtanka xulka Portugal.

“Wuxuu dhaliyay goolal laakiin sidoo kale wuxuu u shaqeeyaa xulka dartiis, waa hogaamiyaheena wuxuuna u ciyaaraa si cajiib ah, waa laacib aad u fiican” ayuu sii raaciyay.

Xulka qaranka Portugal ayaa caawa la ciyaari doona wareega 8-dhamaadka xulka qaranka Poland, waxayna u hanqal taagayaan Semi Final-ka Euro 2016.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close