Mourinho oo imanaya Manchester kaddibna kulan la qaadan doona Sir Alex Ferguson

Jose Mourinho

(Manchester) 30 Juunyo 2016. Jose Mourinho toddobaad kahor ayaa imaan doono Manchester si uu u bilaabo hawlihiisa, waxa uu ka soo noqonayaa fasaxiisii oo uu asbuuc ka harsan yahay.

Waxa uu marka hore wadahadalo la gali doonaa Sir Alex Ferguson kahor inta uusan meesha ka saarin Kaamirooyin uu hirgaliyey Louis Van Gaal waqtigii uu ku sugnaa Old Trafford.

Tababaraha cusub ee United waxa uu dalxiiskiisa ku qaadanayey Maldives kahor kulamada diyaar garowga.

Sunsport waxa ay aaminsan tahay in uu la hadli doono Sir Alex Ferguson oo ay wada diyaarin doonaan qorsha weyn,maadama Mourinho isha ku hayo in uu Manchester United dib ugu celiyo saqafka sare ee England.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saari doonaa kaamirooyin uu xerada tababarka Carrington suray Louis Van Gaal.

Tababaraha reer Holland ayaa codsaday kaamirooyinkaas in la dhigi goobta tababarka oo xilligaas aduun dhan £3million lagu horumarinayey.

nintchdbpict0002372233761-e1467237332390

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close