Gareth Bale oo ka farxiyay taageerayaasha Wales ka hor kulanka Belgium

(Paris) 30 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Wales ee Gareth Bale ayaa war farxad leh u sheegay taageerayaasha xulkiisa ka hor kulanka ay habeen dambe laciyaari doonaan xulka qaranka Belgium.

Bale ayaa sheegay in hogaamiyaha difaaca ee xulka Wales Ashley Williams uu taam u yahay kulanka Belgium kadib markii uu dib ugu soo laabtay tababarka.

“Ashley Williams waa uu ka qayb qaatay dhamaan tababaradii ugu danbeeyay, waa uu caafimaad qabaa ka hor kulanka” ayuu u sheegay saxaafada.

“Ma jiro laacib buuxin kara booska uu u haayo xulka, waa hogaamiyaha aan dhamaanteen wada raacno, kama maqnaan doono kulanka Belgium”.

Ashley Williams ayaa dhaawac dhanka garabka ah ka soo gaaray kulankii ay 1-0 uga soo adkaadeen xulka qaranka N.Ireland wareegii 16-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close