EURO 2016: Ciyaar la isku daalay kaddib xulka Portugal oo garaacay Poland una gudbay afar dhammaadka tartanka + Sawirro

(Paris) 01 Luuliyo 2016 – Xulka qaranka Portugal ayaa ciyaar la isku daalay oo ka tirsanayd wareegga siddeed dhammaadka Euro 2016, waxa ay rigooreyaal 5-3 ku garaaceen dhigooda Poland.

Xulka qaranka Portugal ayaa gool looga naxsaday wax ka yar labo daqiiqo, waxaana ugu shubay weeraryahanka Poland ee Robert Lewandowski, waxaana uu goolkaasi noqday goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee laga dhaliyo tartanka Euro 2016.

Portugal ayaa inta aan la’ aadin qeybta nasashada iska soo guday goolkaas, waxaana 33′ daqiiqo u dhaliyey Renato Sanches, kaddib markii uu kubad cirib ah u wareejiyey Nani, waxaana uu ahaa goolkii ugu horreeyey ee Renato Sanches uu u dhaliyo xulkiisa Portugal, sidaas ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee kulankan ayaa labada xul dhowr fursadood abuureen, inkastoo aysan suuragal noqon in xulna uu gool dhaliyo, kulanka ayaana 90’ daqiiqo ku soo dhammaaday 1-1.

Waxaa loo baahday in labada xul la kala saaro si loo xaqiijiyo xulkii u gudbi lahaa afar dhammaadka koobka qaramada Yurub, waxaana ciyaarta lagu kordhiyey 30 daqiiqo oo dheeri ah, taasina kulanka waxba kama bedelin oo xul gool dhaliyey ma jirin waxaana ay ciyaartu ku soo dhammaaday 120’daqiiqo barbaro 1-1.

Gool ku laad ayaa loo dhigay labada xul waxaana 5-3 ku soo baxay xulka qaranka Portugal, iyadoo guud ahaan uu tartanka isaga haray xulka Poland.

Halkaan hoose ka eeg rigoorayaashii la isku laaday labada dhinac:-

Capture

SAWIRRO:

CmOu0WLWQAAnw1R

CmOuinCWAAACka_

CmOuR52WUAEAFNl

CmOuTchWQAoAOtP

CmOuTFbWgAAmM4O

CmOuZbPWUAA80H_

CmOw7JlXEAECeuK

CmOw7jNWAAAogwy

CmOw77OXIAACXkP

CmOxA3GWAAEJENz

CmOxtO9WYAESweb

CmOxWuUWUAEzYlQ

CmOxX2eWUAAWTUh

CmOxXhyWIAIyShS

CmOxXNlWQAAclGw

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close